Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay inay Alshabaab ka dileen 74 dagaalyahan iyo madax goboleed

alshabab somalia

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dilay 74 dagaal-yahan oo Al-Shabaab ah iyo madax goboleed, toddobaad gudihiis, sida ay sheegeen saraakiisha militariga.

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa dagaal xooggan waxa uu ku dhex-maray degaano hoos yimaada degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha militariga.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka, general Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedishe), ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu howlgaladaas ku dileen 24 askari oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waa jabkii labaad oo culus oo ciidamada dowladda ay muddo toddobaad ah gaarsiiyaan Al-Shabaab, kadib markii sidoo kale 18 askari ciidamada looga dilay duleedka Afgooye, habeenkii Arbacada.

Warbaahinta dowladda ayaa Jimcihii baahisay in saraakiisha milateriga Soomaaliya ay sheegteen in dagaalkii gabaldhicii Arbacadii ka dhacay duleedka degmada Afgooye ay dhankoodana ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa werisay in dagaal Arbacadii ka dhacay tuulada Bulullow oo hoos tagta Afgooye lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ahaa.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warkan in xubnaha lagu dilay dagaalkaas uu ku jiray madaxii howlgallada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow.

Tiradaas ayaa tirada guud ee Al-Shabaab laga dilay toddobaad gudihiisa waxay ka dhigeysaa 74 dagaalyahan, haddii uu sax yahay warka saraakiisha dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here