Ciidamada Xogga dalka Soomaaliya ayaa dagaal mudo kooban socday cagta ku mariyey maleeshiyadii mucaaradku soo dhoobeen taalada Daljirka Dahsoon.
Ma jirto iminka xabad dhacaysaa, waxaana war hordhac ahi xaqiijinayaan in dhamaan goobihii oo dhami ay ciidamadu la wareegeen.
Shalay ayaa ninka lagu magacaabo Generaal Indhacade uu sheegay inaan dawladi jirin, islamarkaana ay iyagu amaankii la wareegeen.