Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ku yaalla Sh/ Dhexe

gorgor guurada-6

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Raage Ceelle ee gobolka Sh/ Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay iska hor imaadyo kooban kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabaab, intii ay socdeen howlgallada.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hadashay ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay nolosha kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay la wareegeen deegaano horleh.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda waxay howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo ka wadeen gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here