Ciidamada Xoogga dalka oo Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Sh/dhexe

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe oo ay ku sugnaayeen Ururka Al Shabaab.

Hawlgalka Ciidanka ayaa waxa ay kula wareegeen Tuulada Ceelgub oo qiyaastii 10 km u jirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha dhaxe oo ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Dagaal xooggan oo ka dhacay tuulada Ceelgub, ayaa lagu soo waramayaa in Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare xoog leh, sida Saraakiisha ay sheegeen.

Hawlgalka waxaa hoggaaminaayay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Cali Bariise oo Ciidanka ku dhiirageliyay inaysan ka soo laaban deegaanka Shabaab ay ka qabsadeen.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, ayaa Gobolka Shabellaha dhexe ka wada dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay ku doonayaan inay ku gaaraan dhul hor leh oo ka tirsan deeganada Shabaab ay Maamulaan.

Al Shabaab ayaa wali awood waxa ay ku leeyihiin Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe oo ay maamulaan, qaarkoodna si dadban amaradooda ay uga shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here