War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in 15 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsanaa lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in 26 kale oo Shabaab ah lagu dhaawacay dagaalka.
Ciidamada ayaa sheegay in xalay abaare 2:00 AM ay ka hor-tageen dagaal Al-Shabaab u qorsheeyeen ciidanka kadib markii warbixin laga helay qorshahooda, sida ay hadalka u dhigeen.
“Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehantahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa qirtay in dagaalka ay uga dhinteen 1 sarkaal, 1 sarkaal Xigeen, iyo 2 askari, halka saddex askarina ay uga dhaawacmeen.
Kooxda Al-Shabaab weli war rasmi ah kama soo saarin dagaalkan.