Ciidamadda Somaliland oo ku durkay saldhigyadda ay Jabhada Caarre degan yihiin

caarre iyo taani

Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay buux dhaafiyeen meel u dhow Buuraleyda Ceerigaabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo daacad u ah Korneyl Caare oo dagaal kula jira Soomaaliland.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliland kuna sugnaa deegaannada tukaraq iyo Yubbe ayaa la sheegay in halkaasi laga qaaday, isla markaana ay fariisin ka sameysteen Buuralayda Ceerigaabo, gaar ahaan Buurta Karin.

Dad ku sugan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi ku aadan in uu dagaal dhex-maro Ciidamada Millateriga Soomaaliland iyo kuwa daacada u ah Korneyl Caare.

Korneyl Siciid Cawil Jaamac Caare ayaa dhowr jeer waxaa uu dagaal la galay Ciidamo ka tirsan kuwa soomaaliland oo uu ku weeraray Saldhigyadooda, waxaana sidoo kale fashilmay wada-hadallo la doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo Soomaaliland iyo korneyl Caare oo mar kamid ahaan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here