Ciidamadda Soomaaliya oo sheegay inay dileen sarkaal Al-Shabaab ka tirsanaa

AlShabaab drone

Militariga Soomaaliya ayaa waxaa uu faah faahin kooban ka bixiyay weerar dhinaca cirka oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Deegaanka Kuunyo Barrow.

General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow), Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in duqayntaasi lagu qaarajiyay Sarkaalkii Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa Deegaanka Kuunyo Barrow.

Taliyaha oo la hadlay Radio SNA oo ku hadla afka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay hawlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan in ay suurta-gashay in lagu qaarajiyo Sheekh Cabdisalaan, kaasoo Shabaabka ugu magacawnaa sida uu yiri Kuunyo Barrow.

Taliyaha ayaa wuxuu iftiimiyay in qorshuhu ahaa in hawlgalka lagu qaarajiyo Sheekh Cabdisalaan iyo ilaaladiisa, balse ay suurta-gashay in horjoogaha oo keliya lagu dilo.

General Bogmadow ayaa ku waramaya in ay socdaan hawlgalo maleeshiyada Ururka Al Shabaab looga sifeynayo Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen barraha Internet-yada ee afkooda ku hadla waxay ku sheegeen in duqayntaasi uu ku dhintay nin ganacsade ah, oo magaciisa ay ku soo koobeen Ismaaciil.

Shabaabka ayaa waxay qoraalkan ku muujiyeen inaanay jirin cid kale oo waxyeelo ka soo gaartay duqayntaasi.

Diyaaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka ayaa waxay dalka ka wadaan duqaymo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al Shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here