Ciidamadii Axmed Madoobe ee Gobolka Gedo oo DF isku dhiibay

ciidan gedo

Boqol iyo Kontan Askari oo ka tirsan ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa ku biiray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Ciidankaan ku biiray Milateriga Soomaaliya ayaa ku sugnaa degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaadan jireen maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland oo khilaaf culus kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

Wararka gobalka Gedo ka imaanayo ayaa soo sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah ay wadahadal la galeen ciidamadaan lagana dalbaday in ay tagaan Luuq oo ay ku biiraan ciidamada Qaranka.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ciidankaan ay hadda ku sugan yihiin xero ku taalo degmada luuq.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho soo gaaraan guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo toos ugu xirnaa Axmed Madoobe balse hada heshiis la galay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beladxaawo waxay haayeen 3-da degmo ee kaliya oo ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana toos u hoos yimaad maamulka Axmed Madoobe waxaana hadda muuqato in gacanta Axmed Madoobe ay ka sii baxayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here