Ciidamadii ku biiray DF oo xoog ku qabsaday garoonka diyaaradaha Luuq

0
ciidan gedo2

Ciidamadii ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland ee maanta ka gadooday magaalada Beled-Xaawo ayaa galabta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyagoo markii dambe xoog kula wareegay garoonka diyaaradaha degmadaas.

Ciidanka oo tiradiisa lagu qiyaasay 150 askari, sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku nool degmada, ayaa kolkii hore lagu soo dhaweeyay Luuq kadib is hortaag kooban oo ay kala kulmeen taliyaha saldhigga degmada, waxayna magaalada gudaha u galeen iyagoo rasaas dabaal deg ah kor u ridaya.

Sidoo kale ciidamadaan ayaa markii ay ka baxayeen Beled-Daawo waxay horey u ka xeysteen gadiid ay la haayen dad shacab ah oo ku nool magaaladaas, kuwaas oo ay ku tageen Luuq mana wadan wax gaari ciidan ah.

Ciidamada ayaa la wareegay gacan ku haynta maamulka Garoonka degmadaas, waxaana wali la ogeyn sababta ka dambeysa in ciidamaas ay qabsadaan garoonka oo ay horay ugu sugnaayeen ciidan tiro yar oo ka tirsan Jubbaland.

Ciidankii horey ugu sugnaa degmada Luuq oo ka amar qaata maamulka Jubbaland, si gaar ahna u hoos tagi jiray wasiirka u xiran dowladda ee Cabdirashiid Janan ayaa isku dayay inay garoonka ka hor istaagaan ciidanka gadoodsan oo ku qeylinayay “Farmaajo guul, Kheyre guul” iyo erayo kale.

Waxaa muuqata in uu bilaabmay burburkii ciidamdii daacada u ahaa Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here