Ciidamo aad u qalabeysan oo saaka aroortii laga soo dejiyay garoonka Muqdisho

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Saaka abaare saddexdii subaxnimo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay boqolaal askari oo ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo aad u qalabeysan.

Ciidankaan oo la sheegay in ay tababar ugu maqnaayeen dalka Turkiga ayaan la sheegin tiradooda rasmiga ah balse waxaa keentay diyaarad militari oo weyn. Waxay wateen hubka culus iyo mid fudud, darees aan u ekeen midka ciidanka Milateriga iyo kuwa kale.

Shaqaale ka tirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in gaadiid badan oo ciidankaan la socday iyo kuwa kale oo dalka hore u yiilay lagu qaaday ciidankaan waxaana mudadii ay howshaas socotay la joojiyay dhamaan dhaq dhaqaaqi garoonka iyo agagaarkiisa.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in ciidan kale oo boqolaal ah laga qaaday Muqdisho isla saakay mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

Turkiga waa dalka tababarka ugu ballaaran siisa militariga Soomaaliya, waxayna soo saareen ciidan ku dhow shank un oo askari.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo shalay wareysi siiyey wakaaladda wararka Anadolu ayaa sheegay in qorshaha Turkiga uu yahay inay tababaraan illaa 15 kun oo askari oo Soomaali ah, taasi oo ka dhigan saddex meelood meel ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here