Ciidamo badan, gaadiid, diyaarado dagaal oo lagu arkay Baydhabo iyo ujeedka

ciidamada amisom

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Baay waxaa maanta dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya ciidamadaasi oo ka tirsan howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa u kala dhashay dalalka Itoobya, Uganda iyo Burundi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaan ay wehlinayaan diyaarado dagaal oo ka badan illaa soddon, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ujeedka dhaq dhaqaaqyadaan cusub ayaa waxaa lagu sheegay kuwo ka dhan ah Al-Shabaab oo looga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo la xariira dhaq dhaqaaqyada milatari ee laga dareemayo magaalada Baydhabo ee maamulkaasi.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadooa shalay taliyaha ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya uu kormeer ku tegay xeryo ku yaalla magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here