Ciidamo boolis ah oo loo diyaariyey xeebaha Somalia

Xeebaha Dalka burcadbadeed

Aqoon is weydaarsi looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis ah oo awood u leh ilaalinta Xeebaha Dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta ilaalinta Xeebaha Dalka, maamul Goboleedyada, wakiillo ka socda Dowladaha Soomaaliya ka taageera Boliiska, UNSOM, UNPOL iyo AMISOM.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka ilaalinta Xeebaha ee Wasaaradda Amniga, Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta Xeebaha Dalka, Ciidanka la unkayana uu wax weyn ka tari doono ka hor tagga dembiyada ka dhaca Badaha Soomaaliya.

Taliyaha laanta ilaalada Xeebaha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, G/dhexe, Bashiir Cabdi Isaaq, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo aas-aaska Ciidan Boliis oo awood u leh difaaca iyo ilaalinta Xeebaha Dalka, wuxuuna intaa raaciyay in halistii xagga berriga ay ku biirtay dhibaato kale oo ka jirta dhanka Badda, taas oo u baahan in wax laga qabto.

Sidoo kale waxaa isna warbaahinta la hadlay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse ayaa waxaa uuna sheegay in la joogo waqtigii la soo dhamaystiri lahaa cudududda ciidan xoog leh oo wax ka qaban kara ammaanka xeebaha Badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here