Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhuusamareeb laga dajiyey

ethiopian army

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in halkaas laga dajiyey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Ciidamada Dhuusamareeb laga dajiyey ayaa ah ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Diyaaradahaan ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 6 Diyaraadood oo siday Saanad Milatari iyo Ciidamo kamida ah Kuwa AMISOM gaarahaan kuwa Dowlada Itoobiya.

Horay waxaa Magaalada Dhuusamreeb u gaaray Ciidamada Dalka Jabuuti oo ka tirsan Ciidmada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee howl gala Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa fariisimo ka sameystay Gudaha iyo Banaanka Magaalada Dhuusamareeb waxayna la midoobeen kuwa Jabuuti oo horey halkaas u gaaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM ee la geeyey Dhuusamareeb ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug maadaama Doorasho dhawaan ka dhacayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here