Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo tababar ka soo laabtay

booliis tababar soo laabasho

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib loogu soo dhaweeyay.Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Boliiska Soomaaliyeed oo mudo 3 bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka.

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.

Soo laabashada Ciidankaan ayaa laga rajeynayaa inay qeyb ka noqodaan, howlgalada sugida Nabadgelyada iyo sifeynta Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here