Ciidamo ka tirsan Somaliland oo la sheegay in ay Puntland ku soo biireen

calanka somaliland

Telefishinka dowladda Puntland ayaa ku warramaya in guutadii 93-aad ee ciidanka militariga Somaliland ay saaka ku soo biirtay ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

Sawirro uu soo bandhigay Puntland TV ayuu ku sheegay guutadii 93-aad ee ciidanka Somaliland oo ku biirtay dhinaca Puntland waxaana telefishinku tilmaamay in ciidanka oo markii hore fadhigoodu ahaa deegaanka Ceelbuh ay calankii Somaliland ka tuureen xeradooda, kadibna ay ku beddeleen calanka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan ay halkaasi ku soo dhaweeyeen ciidankan oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo taliye u ahaa ciidanka Somaliland ee degaankaasi ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here