Ciidamo si gaar ah u tababaran oo la wareegay ammaanka xarunta gobolka Banaadir

boolis xamar ramadaan amniga sugaan1762015 9

Xarunta dowladda hoose ee Xamar ee uu ku shaqeeyo guddoomiya maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa amnigeeda si buuxda loogu wareejiyay ciidamo si gaar ah u taba baran.

Ciidamada caawa la wareegay ammaanka xarunta gobolka Banaadir ayaa ka tirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwo loo yaqaano Birmadka, waxaana dhawaan tababar gaar ah loogu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Xaruntaan ayaa qarax ka dhacay 24-kii bishii July waxaa lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii kan ka horeeyay Cabdiraxmaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Dhamaan ciidamadii u xilsaaraa sugidda ammaanka xarunta gobolka Banaadir intii uu shaqeynayay maamulkii kan ka horeeyay ayaa laga wareejiyay xarunta, waxaana qaar ka mid ah ciidamadaas, saraakiishoodii iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka ku socda baaritaano ku saabsan qaabkii loo fududeeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here