Ciidanka booliska oo loo magacaabay afhayeen

Sadiiq Aadan Cali Duudishe

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Afhayeenka cusub ee ciidanka booliska u magacaabay Dhame Sadiiq Aadan Cali oo ku magac dheer Duudishe.

Qoraal ka soo baxay Taliska booliska ayaa lagu sheegay in Sarkaalkan uu ciidanka kusoo biiray sanadkii 2007-dii.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Dhame Sadiiq Aadan uu soo dhameystay tababar Layli sarkaal ah, kaas oo dhan mudo seddax sano ah, islamarkaana uu ku soo qaatay dalka dibadiisa.

“Afhayenka cusub ayaa ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi marka laga reebo afka Hooyo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Qoraal Taliska booliska ayaa intaas ku daray, “Sarkaalkan ayaa ka soo shaqeeyay guud ahaan fadhiyada ciidanka, soona qabtay xiriiro dowlado ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here