Ciidanka Danab oo Al-Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah oo dhaca Shabeelaha Hoose

danab kumandoos2

Ciidamada Danab ee Dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Daarusalaam ee hoos taga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheysan lagu qaaday Daarulsalaam sidaasna ay ciidamada ugu suurtagashay inay gacanta ku dhigaan deegaankaas oo muhiim u ah Shabeelaha Hoose.

Taliska Ciidamada ayaa sheegay in intii uu socday howlgalkaas lagu dilay xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo horey gacanta ugu heysay Daarusalaam.

Dadka degan Daarusalaam ayaa sheegay in ka hor inta aysan ciidamada Dowladda soo gelin deegaanka ay maqlayeen dagaal culus oo u dhaxeeyey labada dhinac markii dambana ay Ciidamada Dowladda u suurtagashay in ay la wareegaan deegaanka Daarusalaam.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ay wadaan howlgal miino baaris ah, Saraakiisha Ciidamada ayaa la filayaa in faah faahin ay ka bixiyaan howlgalka dhacay.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkii looga qabsaday deegaanka Daarusalaam, sidoo kalana illaa hadda ma cadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waday howlgalo qorsheysan oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada hoos tago Gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here