Ciidanka Danab oo sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

ciidamada danab2

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo duqeymo is barbar socday oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Jubbada ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, iyadoo lala beegsaday saldhigyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey weeraradaasi, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen illaa saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Xasan Ciraaqi oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in saldhigga koowaad ee cagta la mariyey uu ku yaallay tuulada Buulo Xaaji, halka labada kale ay Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lagta Caanoole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, islamarkaana ay haatan ka wadaan baaritaano dheeraad ah.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlgalkaan iyo duqeynta barbar socotay lagu burburiyey labo gaari oo kala ahaa Toyotoa Succeed iyo Suzuki oo uu tilmaamay in ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka dagaalyahannada Al-Shabaab oo la xariira howlgalladaasi.

Ciidamada huwanta ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here