Ciidanka DF oo dilay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar) iyo xubno kale

ciidanka danab

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal lagu dilay sarkaal iyo dagaalamayaal kale oo Al-Shabaab ah waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalka lagu dilay howlgalkaas uu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Qoryooley iyo degaanada hoos taga, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar).

Sidoo kale sarkaalkaas waxaa lala dilay illa shan dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Dhulka ee militeriga Soomaaliya.

S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha ciidanka Dhulka ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ninka ay dileen ciidamadu uu Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarrada ay ka geystaan degmada Qoryooley iyo deegaano kale oo hoos taga.

Sidoo kale Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in howlgalladii ay maanta sameeyeen ciidanka xoogga dalka uu gaaray deegaano kale oo ay ka mid yihiin, Kabtan-laas, Buulo-Sheekh iyo tuulooyin kale oo dhaca inta u dhaxeysa Janaale iyo Qoryooley.

Bilihii u dambeeyay ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo iyo weerarro ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen inta badan gobolka Shabeellada Hoose oo kamid ahaa gobollada ay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Hase yeeshee Al-Shabaab haatan waxay u muuqdaan kuwo kasii suulaya gobolkaas oo muhiim u ah ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo sanado badan ay ragaadiyeen qaraxyo ay kooxdu kusoo diyaarin jirtay dhulka ay ka maamulaan gobollo uu ugu horeyay Shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here