Ciidanka Somaliland oo talaabo sharciya ka qaaday Saraakiishii xooga ku gashay Saldhiga Booliiska Laascaanood

ciidamada somaliland

Saraakiil ka tirsan saldhiga 7aad ee Ciidanka Somaliland, kuwaas oo sifo sharci daro ah oo xoog ah kula baxay eedaysane ku jiray Saldhiga Dhexe ee Booliiska Magaalada Laascaanood, ayaa la sheegayaa in dhamaantood lagu hayo Saldhig Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Duleedka Laascaanood.

Shacabka Gobolka Sool ayaa si weyn u soo dhoweeyey talaabadan ay Ciidamada Qaranka Somaliland qaadeen, taasoo ay ku xir xireen Saraakiisha sida ula kaca ah ugu tuntay sharcigii iyo kala dambeyntii degaanka iyo Somalilandba, iyadoo ay arintani tahay mid ugub ah oo aan horey looga baran in eedaysane dariiqii sharciga ahaa la marinayo hayadiii amniga laga faro maroojiyo.

Amaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn u soo fiicnaaday tan iyo markii loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliiska kaas oo xooga saaray sharciga iyo kala dambeynta, sidoo kale la dagaalanka maandooriyeyaasha kala duwan.

Saraakiishan oo la sugayo in kiiskooda ay qaado Maxkamadda Ciidamadu ayaa waxaa eegaya Indhaha shacabka Sool iyo guud ahaanba Somaliland. Mana jirto cid u qiilsameyn kartaa falka ka dhacay Saldhiga Dhexe ee Booliiska Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here