Ciidanka Somaliya oo dib ula wareegay deegaan laga qabsadey

ciidan qaybta 60aad2

Wararka laga helayo deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Barqadii ay Ciidamada dowladda dagaal kula wareegeen deegaankaas, kadib markii ay Al-Shabaab saaka qabsadeen.

Rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa goobjoogayaal sheegeen in saakay ay dagaal kula wareegeen deegaanka Deeynuuneey oo qiyaastii 25km dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Baydhabo, iyaga oo dadka ku nool deegaankaas ka codsadey inay la Shaqeeyaan.

Hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Deeynuunaay, isla markaana dagaal saacado badan socdey ay dib ula wareegeen, sida uu Risaala u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya..

Dagaalka ka dhacay deegaanka deeynuunaay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 6 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda, hayeeshee Ciidanka dowladda ay haatan gacanta ku haayaan deegaankaas, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, basle Gudaha iyo daafaha Magaalada lagu arkayo Ciidanka dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo sameynay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah faahin ah kama bixin dagaalkaas Maanta deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ku dhex-marey Ciidamada Dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here