Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Awdheegle oo bilaabay caawinta dadka Deegaanka

danab kumandoos

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ee kusugan Awdheegle ayaa bilaabay arin farxad badan taas oo aheyd Caawinta Dadka Deegaanadaasi.

Shacabka ayaa waxay sheegeen in maanta loo qeybiyey Raashin iyo Qalabka Beeraha loogu talo galay.

Askarta Xoogga Dalka ee Gargaarkani gudoonsiiyey dadka ku dhaqan Awdheegle, ayaa Shacabku uga mahadceliyeen .deeqdaas

Dawlada Soomaaliya ayaa hore waxay u sheegtay in gacana ay Al Shabaab kula dagaalameyso gacanta kalena ay dadkeeda ku caawineyso.

Bilowgii Bishii Agoosto ee Sanadkaan ayaana Ciidanka Dawlada Soomaaliya kala wareegeen Al Shabaab Awdheegle, iyadoo tallaabadani dad badan soo dhaweeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here