Ciidanka Xoogga Dalka oo shaaca ka qaaday in la dilay Bashiir Maxamed Qoorgaab

shabaab sarkaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ayaga ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo iskaashanaya ay dileen Bashiir Maxamed Qoorgaab, oo ahaa abaanduulihii kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ay soo saareen Ciidanka Xoogga Dalka, laguna baahiyey warbaahinta dowladda, ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe, 22-kii Febraayo.

Qoraalka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab uu sidoo kale ahaa madaxii howl-gallada Al-Shabaab ee Kenya, iyo Xubin ka mid ah golaha fulinta Al-Shabaab, uuna sidoo kale mas’uul ka ahaa weerarada xeryaha ciidamada.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in “dilka Bashiir Maxamed Qoorgaab ay ku suurta-gashay iskaaashi ay sameeyeen sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan taliska cidamadda Mareykanka ee Africa ee Africom.

Ma jirto cid, si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Ciidanka Xoogga Dalka.

AFRICOM weli ma aysan shaacin inay dileen Bashiir Qoorgaab, hase yeeshee waxaa jiray qoraal ay soo saareen 25-kii Febraayo oo ay ku sheegeen in duqeyn ay fuliyeen 22-kii Febraayo lagu dilay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay ee Kenya, iyo xaaskiisa oo sidoo kale xubin ka ahayd Al-Shabaab.

“Waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo agaasinka howl-gallada argagixiso ee xuduudda Kenya, oo uu ku jiro howl-galkii lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Qoraalkaas laguma shaacin magacyada dadka la dilay. Si kastaba, waxaa lagu muujiyey in hoggaamiyaha la dilay uu xil sare ka hayey Al-Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa inta badan muddo ay ku qaadataa inay shaaciyaan magacyada xubnaha la yaqaan ee Al-Shabaab ee ay dilaan, haddiiba ay dhacdo.

Warka ku saabsan dilka Qoorgaab ayaa imanaya ayada oo sirdoonka Soomaaliya ay dhowaan shaaciyeen in laga qaaday xilalkii uu ka hayey Al-Shabaab.

Qoraal ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay 3-dii Febraayo soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here