Ciidanka xoogga dalka oo sheegtay howlgallo lagu dilay 15 xubnood oo Shabaab ah

Gen Odawaa Yuusuf Raage

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo is garab sanaya ayaa lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay mid kamid ah Kooxda Al-Shabaab sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka.

Tan ayaa muujinaysa in uu sii xoogaysanayo howlgalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo muddooyinkii ay wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Dowladda, mana jiro ilaa hadda illo madax banaan oo xaqiijinayo hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here