Ciidanka Xoogga oo shaaciyey inay Gobolka Baay ku dileen 12 Al-Shabaab ka tirsanaa

Taliyaha qaybta 60aad

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo booqday deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa ka warbixiyey xaaladda deegaankaasi.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in xaaladdu ay dagan tahay, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu guullo ka sheegtay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Deynuunay, kadib markii ay weerar culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ka war hayeen xogta weerarkaasi, islamarkaana ay ka hortageen, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa intaasi ku sii daray in halkaasi ay ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay laba jibaari doonaan dhaq dhaqaaqyada milatari ee Al-Shabaab looga saarayo gobollada Baay & Bakool ee K/ Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here