Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay dileen Hogaamiye Sare oo Al-Shabaab ka tirsan

danab kumandoos

Ciidanka kumaandooska soomaaliya ee  Danab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa sheegay in ay labo jiho ka weeraray degaanka mubaarak ee gobolka shabellada hoose.

Kumaandooska soomaaliya ayaa howlgalka ku dilay sida ay sheegeen gudoomiyihii al-shabaab ee degaanka mubaarak iyo tiro ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

sidoo kale ciidanka kumaandooska soomaaliya waxa ay howlgalka ku bur buriyeen sida ay sheegeen Sarakiisha Ciidanka  gaari hoomey ah oo Al-shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska soomaaliya oo la hadlay idaacada Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak iyo tiro dagaalamayaal ah.

Saraakiisha danab  waxa ay sheegeen Sarkalka la dilay  lagu magacaabi sheekh cabdulle gaare oo Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here