Ciidankii daacadda u ahaa Sheikh Shaakiir iyo Gaagiid dagaal oo ku biiray DF ee Dhuusamareeb

ahlusuna1

Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidankii ugu badnaa oo ka tirsanaa Ahlu suna ay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Wariye ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in gaari Cabdibile ah oo uu saaran yahay Qoriga loo yaqaano “Dhashiikaha” oo ay lahayd Ahlu suna uu u goostay Dowladda Soomaaliya,waxaana gaarigaasi ka baxay Xarunta INJ uu degan yahay Sheikh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Sida wararka aan ku heleyno gaariga dagaalka ayaa waxaa saarnaa ilaa iyo dhowr askari oo hubeysnaa kuwaasi oo qeyb ka mid ah ciidankii daacada u ahaa Sheikh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud.

Ahlu suna ayaa haatan wajaheysa culeys siyaasadeed iyo ciidankii ugu badnaa oo ka baxay garabkooda ka dib markii lagala wareegay deegaano badan oo markii hore gacanta ay ku hayeen.

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa degan waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Dowladda Federaalka oo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid, waxaana kor ka ilaalinaya Ciidanka Militariga ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Ahlu suna ay ka beedhay wadadii saxda ahayd ee loo aas aasay, islamarkaana ay isku dayday iney fashiliso dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan shacabka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here