Ciidankii ugu badnaa ee Itoobiyaan ah oo ku wajahan Baydhabo

ethiopian army

Ciidankii ugu badnaa oo Itoobiya ka socda ayaa waxay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo Janaay Ee Caasimada Kumeel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidankaan oo wata dabaabaadka Dagaalka iyo gaadiid badan ayaana lagu xoojin doonaa Askarta hore ujoogtay magaaladaasi.

Waxaa Hawada laga saaray Isgaarsiintii Magaalada Baydhabo, iyadoo internet-ka meelaha qaar la sheegay in laga saaray Hawada.

Wariye kusugan Baydhabo ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiya oo ku wajahnaa Baydhabo ay Miino kula kacday gaari ay wateen xilli ay marayeen Deegaanka Mooda moode.

Isgaarsiinta in hawada laga saaray waxaa lagu sheegay in Ciidanka Itoobiya amreen, waxaana Wariyaha oo lagu wareystay Internet qadkiisa Laciif ahaa uu sheegay in Isgaarsiin jirin.

Internet-ka uu isticmaalayey ayaa ahaa shirkadaha kale, mana jirin Taleefoon shaqeenayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here