Cilmi baadhis cusub oo horseedi karta in la daweeyo cudurka kansarka

cilmibaaris cancer

Saynisyahano ka badan kun ayaa cilmibaaris ay soo bandhigeen ku muujiyay markii ugu horreysay sawir faahfaahin dhammeystiran ka bixinaya cudurka kansarka.

Saynisyahanadu waxay sheegeen in kansarku u dhigmo sawir ka kooban boqol kun oo qeybood, iyagoo intaa ku daray in wixii maanta ka horreeyay aan wax xog iyo ogaal ah loo lahayn 99% qeybaha uu ka kooban yahay kansarka.

Cilmibaaristan oo ah tii ugu mugga weyneyd ee lagu sameeyo kansarka ayaa lagu daabacay joornaalka Nature lagu magacaabo. Waxayna sawir iyo tilmaam buuxa ka bixineysaa qeybaha kansarka oo dhan.

Waxay cilmibaaristu fududeyneysaa in bukaan walba loo qoro daawo u gaar ah nooca kansar ee laga helay, iyo in xilli hore la ogaado kansarka haya qofka. Cilmibaaristu waxay salka ku heysaa natiijada iyo daraaseyn lagu sameeyay 2,658 kiis oo kansar ah.

Kansarka waa nooc cudur ah oo ku dhaca unugyadeenna caafimaad qaba ilaa ugu dambeyn ay u koraan oo ay u kala baxaan si aan xakamayn lahayn. Habka korriimo ee kansarka waxaa laga ogaadaa noocyada tilmaamaha hidda-sidaha ee loogu talagalay dhisidda borotiinka jidhka.

“Taasi waa kaliya 1% hiddo-sheegga (genome) oo dhan,” ayuu yiri Dhakhtar Lincoln Stein, oo ka tirsan Machadka Kansarka ee Ontario. Wuxuu intaa ku daray in dhakhaaatiirtu aysan wax badan ka ogaan karin marka ay daweynayaan bukaanada saddex meelood meel. Taa waxaa ugu wacan in aysan suurtogal ahayn in la ogaado sababta kansarku u haleelay unagyadooda.

Cilmibaaristu waxay muujineysaa in kooxo saynisyahanno ah oo ku kala sugan 37 dal ay ku qaadatay in ka badan toban sanno si ay u fahmaan 99% qeybaha kansarka.

Saynisyahanadu waxay intaa ku dareyn in kansarku uu yahay mid cakiran, oo ay horseedi karaan kumanaan waxyaabood oo isbiirsada. Laakiin waxay sidoo kale sheegeen in uu jiro meel uu ka nugul yahay kansarka oo lala bartilmaameedsan karo daawooyinka la dagaallama waxyaabaha kordhiya fiditaankiisa iyo koriimadiisa ba.

“Waxa ugu weyn ee aan dooneyno waa in aan adeegsanno teknoolijiyada si aan u helno daawooyin la falgali kara nooca kansar ee bukaan walba uu qabo,” ayuu yiri dhakhtar Peter Campbel, oo ka tirsan Machad Wellcome Sanger.

Saynisyahannada daraaseeyay kansarka waxay sidoo kale abuureen hab lagu ogaado kansarka qarsoon xilli hore. Waxay muujiyeen in in kabadan shan meelood meel ka mid ah kiisaska kansarka ay ku jiraan jirka bukaanka kahor sanado inta aanan baadhitaanka lagu ogaan kansarka.

“Waxaan abuurnay hab xilli hore lagu ogaan karo dhammaan noocyada kala duwan ee kansarka,” ayuu yiri Dr Peter Van Loo, oo ka socda Machadka Francis Crick.

Wuxuu intaas raaciyay: “Habkan cusub wuxuu ka dhigan yahay inay hadda suurtogal tahay in la abuuro hab cusub oo lagu baaro kansarka taas oo muujin karta astaamaha kansarka xilli hore.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here