CIRRO IYO XIRSI OO BILAABAY SIYAASADDA MOORYAANNIMADDA EE XAMAR LAGAGA XOOGSADO

cirro iyo xirsi

Waxaa maanta qaar ka mid ah degaanadda Somaliland ka dhacay rabshaddo ay soo abaabuleen Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Somaliland, taasoo dhalisay in dadkii rabshadaha sameynayey ay booliiska SL oo aan haysan qalabka casriga ee lagaga hortago rabshadaha iyo Banaanbaxyadda u adeegsadaan Rasaas nool oo keentay khasaare.

Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland waxaa loo asteeyey inay ku banaanbaxaan xarumaha Xafiisyadooda Goboladda, si loo dhowro amaanka iyo bedqabka dibadbaxeyaasha, laakiin hogaamiyaasha mucaaradka ayaa ku kacay talaabo ka baxsan goobihii loo qorsheeyey Banaanbaxa, taasoo sababtay in Banaanbaxyaddii ay isku bedelaan rabshaddo iyo isku dhac ciidanka Booliiska.

Talaabooyinkan foosha xun ee ku saleysan ku dan-gaarka dhiigga shacabka iyo khalkhal-gelinta Amaanka waxay kaga dayanayaan, kooxaha Xamar Jooga magaca siyaasiyiinta ku dhuunta ee amaan-darrada, dilka iyo dhiigga ka ganacsadda oo kursiga ku fuulla.

Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi waxay adeegsanayaan haddaladii iyo falalkii xumaa ee Horjoogeyaasha BEELAHA HAWIYE u adeegsan jireen Madaxweyne Farmaajo, waxay marayaan inay yiraahdaan, HADDII MAALIN HEBLA LA GAARO MUUSE BIIXI AYAAN MADAXTOOYADDA KA SOO SAARAYNAA, MUUSE WAA HABAR-AWAL IYO INAY ABAABULAAN AMAAN-DARRO magaalooyinka gudahooda.

Shacabka Somaliland waxaan xusuusinaynaa in amaanka ay haystaan uu ka qaalisan yahay shakhsi xil doonaya ama mid xil haysta, sidoo kale ay qiimeeyaan dhibaatadda amaandarro iyo Maamul-xumo ee ka jirta degaamadda Soomaalidu degto, maanta waad banaanbaxaysaan, laakiin haddii amaanku xumaado ma banaanbaxaysaan, CIRRO IYO FAYSAL CALI WARAABE waxay aadayan FINLAND.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaan kula talinayaan in aanu macalin ka dhigan dad Siyaasada iyo tallada si khaldan ku soo galay oo raadinaya waxay mar arkeen, Xisbiyadda Mucaaridka waxaan ugu baaqaynaa in sida Siyaasiyiinta Xamar joogaa u xoogsataa aanay ahayn wax lagu deydo ee wax laga xishoodu, waxaad ku socotaan inaad geel 19991 ku qoran tahay aad qalqashaan, dib ugu soo noqda dhaqankii Siyaasiyiinta Somaliland, ku ekaada goobaha Banaanbaxyadiina loo cayimo, u diyaargarooba ka qaybqaadashada TARTANKA ururadda ee soo socota.

Osman Ibrahim Warsame (QAWDHAN)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here