Cisbitaaladda Kenya oo ay buux dhaafiyeen bukaanadda Covid 19

astaanta kenya

Ururka dhakhaatiirta Kenya ayaa sheegay in dalkooda ay buuxsameen dhammaan sariiraha loogu talagalay dadka ay xaaladdoodu liidato ee ICU loo yaqaan.

Sababta ay ku sheegeen in cudurka Covid-19 uu si ba’an ugu faafay Kenya. Dadka uu soo ritay cudurka ayaa waxaa kamid ah hawlwadeennada caafimaadka.

Tirada rasmiga ah ee dadka Covid-19 uga dhintay Kenya ayaa hadda ah 2,000 oo qof.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in noocyada cudurka ee lagu arkay UK iyo Koonfur Afrika ay sabab u yihiin faafidda cusub ee cudurka.

Horraantii bishan ayaa Kenya waxa ay bilowday in dadka cudurka u nugul ay ka tallaasho.

Ururka ay leeyihiin hawlwadeennada caafimaadka Kenya ayaa sheegay in dalka uu wajahayo xaalad adag, xilli ay buuxsameen sariiraha lagu dabiibo dadka aadka u liita.

Kusimaha xoghayaha guud ee ururkaas, Chibanzi Mwachonda, ayaa sheegay in hawlwadeennada caafimaadka ay kamid yihiin dadka uu cudurka soo ritay.

“10 dhakhtar oo uu cudurka ku dhacay iyagoo ku hawlan la tacaalidda bukaannada ayaa hadda jiifa cisbitaallo ku yaal dalka oo dhan,” ayuu yiri Chibanzi.

Ururka ayaa intaa ku daray in shacabka Kenya aysan u muuqan khatarta cudurka, oo ay intooda badan iska dhega tiraan talooyinka caafimaadka ee looga hortagayo faafidda Fayraska.

Sida caadiga ah, dadka dhaqaalaha haysta ayaa bukaannadooda geysta cisbitaallada, kuwaas oo hadda qaarkood ay billaabeen inay bukaannada weydiistaan kumannaan dollar ka hor inta aan la seexin.

Waxaa laga deyrinayaa hannaanka baaritaan ee Kenya oo la sheegay inuu hooseeyo, isla markaana aan muujineyn sawirka dhabta ah ee faafidda cudurka.

Xilli laga cabsi qabo in hannaanka daryeelka caafimaadka ee Kenya uu culays weyn kala kulmo xanuunka, ayaa waxaa la tilmaamay inay muhiim tahay in degdeg loo kordhiyo tallaalka Covid-19.

Jimcihii la soo dhaafay, Kenya ayaa diiwaangelisay dhimashadii ugu badneyd ee tan iyo markii uu cudurka dillaacay, waxaana u geeriyooday 24 saac gudahood 28 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here