Coronavirus: Daawada Malaariyada ma lagu daweyn karaa cudurka Covid-19?

Chloroquine

Waxaa sii kordhaya dalabka daawo markii hore loo isticmaali jiray cudurka Duumada ama malaariyada islamarkana imika dadka qaar ay doonayan in ay u adeegsadaan daawaynta cudurka aduunka ku faafay ee Crona.

Dawaada loo yaqaanno Chloroquine oo ah daawo muddo dheer loo isticmaalayay daawaynta Malaariyada ama Duumada ayaa imika suuq ballaaran ka yeelatay guud ahaan caalamka.

Dawaada Chloroquine, iyo daawada kale ee hydroxychloroquine,ayaa soo jiitay dareenka dad badan iyada oo ay jirto in hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ay sheegtay in aysan jirin cadeymo muujinaya in daawadaasi lagu dabiibi karo cudurka Corona.

Hadaba maxay tahay caddeymaha loo hayo in daawadan lagu daweyn karo dadka qaba feyriska Corona, yaase isticmaalaya?

Maxaan ka ognahay daawadan?

Madaxwayne Trump ayaa ku celceliyay in daawadani Chloroquine lagu daawayn karo cudurka Corona, “maxaa kaaga khasaaraya? Qaado daawadan.” Ayuu yiri madaxwayne Trump.

Muuqaal laga saaray barta Facebook oo la sheegay in uu ahaa marin habaabin, ayaa madaxwaynaha Brazil Jair Bolsonaro waxaa uu ku andacooday in “daawada hydroxychloroquine ay ka shaqaynayso dhamaan goobaha”.

Madaxwayne Trump
Madaxwayne Trump

Kaniinkanoo ka kooban chloroquine ayaa muddo dheer loo isticmaalayay daawaynta cudurka Duumada waxa ayna dhintaa heerka qandhada qofka islamarkana rajadu waxay tahay in sidoo kale ay hoos u dhigayso feyriska sababa Covid-19.

“Chloroquine ayaa u muuqta mid hor-istaagaysa feyriska Corona marka lagu darso sheybaarka, waxaa jira cadeymo aan la hubin oo ka imanaya dhakhaatiirta oo muujinaya in ay daawadan u muuqato in ay cawinayso Corona,,” waxaa sidaasi sheegay wariyaha BBC ee dhanka caafimaadka James Gallagher.

Waxaa imika jira caddeymo aan ku filnayn oo muujinaya waxtarta daawadan ay u leedahay bukaanka qaba Covid-19, islamarkana daraasad ay Faransiiska sameeyeen ayaa muujinaysa in aysan gabi ahaanba waxtar u lahayn bukaanada Corona.

Waxaa sidoo kale jira halis ku iman karta qofka isticmaala oo ay saamyn halis ah ku yeelan karto Kiliyaha iyo waxyeelo ay u geysato beerka.

“Waxaan u baahanahay in baaritaan tayo leh aan ku samyno islamarkana si wanaagsan loo qiimeeyo waxtarka daawadan,” ayuu yiri Kome Gbinigie oo ka tirsan jaamacadda Oxford.

In ka badan 20 baaritaan ayaa laga sameeyay dalalka Mareykanka, UK, Spain iyo Shiinaha.

Wasiirka madaxtooyada Britain Michael Gove ayaa sheegay in UK “ay fulinayso baaritaan is xig-xiga oo lagu qiimaynayo in daawadan Chloroquine ay yareyn karto saamaynta cudurka Covid-19.

Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale ka socota baaritaan arrintan la xiriira.

Seynisyahaniinta Mareykanka ayaa bilaabay tijaabo ay dawadan ku sameynayaan
Seynisyahaniinta Mareykanka ayaa bilaabay tijaabo ay dawadan ku sameynayaan

Wadamadee sharciyeeyay isticmaalka daawadan?

Hay’adda maamusha cunnada iyo daawooyiinka ee Mareykanka ee loo so gabiyo (FDA),ayaa aqbashay “in xaaladaha deg dega ah loo isticmaalo ” marka la daweynayo Covid-19, balse laga isticmaalo isbataalo xaddidan.

Taasi micnaheedu ma ah in ay hay’adda FDA leedahay in ay daawadani ay waxtar leedahay.

Balse waxay micnaheedu tahay in xaaladaha gaar ah ay Isbataalada codsan karaan in daawada Chloroquine u isticmaali karaan daawaynta bukaanada Covid-19.

Dalal kale ayaa sidoo kale daawadan Malaariyada ama Duumada dalalkooda u daabulaya iyaga oo qiimayn ku sameynaya waxtarkeeda.

Dowladda Fransiiska ayaa u ogolaatay dhakhaatiirta inay daawadan u qori karaan bukaanada qaba xanuunka Covid-19, balse hay’adda daawooyiiinka u qaailsan dalkaasi ayaa ka digaysa waxyeelo ay daawadan jirka u geysan karto.

Dowladda Hindiya ayaa dhankeeda ku talisay in daawadan chloroquine ay shaqaalaha caafimaada u isticmaalaan ka hortaga cudurka Covid-19.

Balse, hay’adda cilmi-baarista ee Hindiya ayaa ka digtay in si aan xaddidneen loo isticmaalo daawadan loogu talagalay daaweynta cudurka Duumada.

Dhowr dal oo ah kuwa bariga dhexe ayaa sidoo kale ogolaaday isticmaalka daawadan amaba wada baaritaano.

Waxaa dalalkan ka mid ah Baxreyn,Morocco, Algeria iyo Tunisia.

Caalamak ma laga helayaa daawo chloroquine oo ku filan?

Waxaa xiiso leh iyada oo ay sii kordhayso suurtagalnimada in daawadan lagula tacaali karo cudurka Covid-19, ayaa dalal badan waxay sheegeen in dalabkeedu uu aad u batay islamarkana u gabaabsi jiro.

Daawada Chloroquine ayaa horey si wayn looga heli jiray Farmasiyada , gaar ahaan dalalka soo koraya islamarkana waxaa loo isticmaali jiray dawaynta cudurka Duumada ama Malaariyada.

Dalka Urdun waxaa laga mamnuucay in daawadan lagu iibiyo Farmasiyada, islamarkana si la mid ah dalka Kuwaiti waxay wasaarada caafimaadka kala noqotay Farmasiyada daawadani waxaana lagu xaddiday isbataalada dowladda.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda mamnuucday in farmasiyada lagu iibiyo daawada chloroquine, islamarkaana waxaa imika la ogol yahay oo kali ah in bukaanada loo qoro oo aysan iska iibsan.

Xukuumadda Hindiya oo ah dalka laga soo saaro daawada ugu badan ee cudurka Malaariyada ayaa mamnuucid ku soo rogtay in dalkaasi laga dhoofiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here