CORONAVIRUS: Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo wacyigalin kasamaysay Hargaysa Stadium

hawlwadeeno caafimaad lowyacado1

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo mudooyinkii u dambeeyay heegan ugu jirta kahortaga cudurka CORONA ayaa wacyigalin kasamaysay garoonka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Stadium. Halkaasoo uu Kasocdo koobka kooxaha heerka Koowaad. Koob oo ay soo qaban qaabisay Daladda dhlainyada Somaliland ee magaceeda loosoo gaabsado SONYO.
.
Wacyigalintan ayaa qayb ka ah talaabooyin wax ku ool ah oo ay Wasaaradda H. Caafimaadku hore u qaaday. Midan maanta ee Wasaaraddu fagaaraha ku qabatay ayaa ah mid iyadna muujinaysa deddaalka masuuliyiinta Wasaaradda H Cafimaadka JSL.
.

Fariinta Wasaaradda H. Caafimaadka JSL.

1- Si joogto ah ugu faraxalo biyo iyo saabuun.
2- Si aad ah u kari hilibka, kalluunka, digaaga iyo beedka.

3- Marka aad Qufacayso ama Hindhisayso kudabool Afka iyo  Sanka Masar ama Softi ama Cududa adigoo xusulkaaga laabaya.
4- Haddaad yeelato xumad iyo Qufac, ha tegin goobaha dadku ku badan yahay sida sariibadda, dugsiyada iwm. Si degdeg ahna u tag xarunta
Caafimaadee kuugu dhow.
5- Hadaad qof salaamayso waxa haboon inaad iska dayso salaanta gacan qaadka ah, raac Sunnaha Nabiga (NNKH)- “Assalaamu Calaykum”.

Kulanka maanta oo ay fooda isdareen kooxaha Wasaaradda H. Cafimaadka JSL 3 &1 Wasarada H. Biyaha JSL. Kulankan ayaa waxa 3 iyo 1 ku badiyay Naadiga Wasaaradda H. Caafimaadka JSL oo kulankii hore na 4 gool kagasoo badiyay Naadiga Hay’adda Duulista Iyo Madaarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here