Coronavirus: WHO oo ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo deg deg ah

2019 nCoV

Caabuqa cusub ee corono ayay hay’adda caafimaadka ee WHO ugu dhawaaqday inuu yahay xaalad caafimaad oo deg-deg ah oo caalami ah iyadoo oo uu xanuunkan ku sii faafaya dalalka caalamka.

”Sababta ugu weyn ee loogu dhawaaqay xaaladda deg-degga ah ayaanan ahayn waxa ka dhacaya shiinaha balse sababtu ay tahay sida uu xanuunka ugu sii faafaya dalalka kale.” ayuu yiri madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Walaaca ayaa ah in caabuqa uu ku faafo dalalka aan lahayn hab caafimaad oo aan tayo lahayn. Dhimashada xanuunkan ayaa haatan gaartay 170 qof.

Hay’adda ayaa sheegtay in 98 kiis laga sheegay 18 dal oo aanu Shiinaha ka mid ahayn, balse ma jirto cid ilaa haatan u dhimatay.

Inta badan kiisaska caabuqan ayaa lagu arkay dadkii ka soo safray magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii horeba ka soo bilwoday xanuunkan dunida walaaca badan ku abuuray.

Laakinse waxaa jiray 8 kiis oo ay dadka isku gudbiyeen kuwaasi oo ka dhacay dalalka Jarmalka, Japan, Vietnam iyo Mareykanka.

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka hadlayay magaalada Geneva ayaa Shiinaha ku amaanay tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqa Corona ee ay qaadeen.

Waa kuwee xanuunadii hore ee WHO ugu dhawaaqday xaaladda caafimaad ee deg-deg ah?

Hay’adda WHO ayaa ku dhawaaqda xaalad caafimaad oo deg-deg oo caalami ah mar allaale markii ay soo baxdo xaalad caafimaad oo kheyralcaadi ah. Waxaana xanuunadaasi ka mid ahaa:

  • Swine flu, 2009 –Waxa uu ku faafay dunida sannadkii 2009-kii waxaana u dhimatay in ka badan 200,000 oo qof.
  • Polio, 2014 – Inkastoo 2012-kii loo dhowaaday in la ciribtiro cudurka dabeysha ee Polio hadana 2013-kii ayuu sare u kacay markaasi oo ay hay’addu ku dhawaaqday xalad caafimaad oo deg-deg ah.
  • Zika, 2016 – Caabuqa Zika ayaa si xawli ah ugu faafay Ameerika sannadkii 2016-kii, kaasi oo la sheegay inuu khatar ku ahaa haweenka uurka leh.
  • Ebola, 2014 and 2019 – Cudurkan dilaaga ayaa laba goor loogu dhawaaqay xaalad caafimaad oo deg-deg ah. Ebola ayaa waxa uu markaasi ku dhacay dad ka badan 30,000 oo qof waxaana Galbeedka Afrika xanuunkaasi u dhimatay in ka badan 11 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here