Coronavirus:Masuuliyiinta Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Wajaale oo wacyigelin ka sameeyey xuduudka

Coronavirus

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Wajaale Oo Ay Weheliyaan masuuliyiinta Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska Ee Degmada Wajaale Ayaa Wacyigalin Sameeyey Dugsiyada Waxbarashada Ee Magaalo Xuduudeedka Wajaale.

Arintan ayaa qayb ka ah deddaalada Wasaarada Horumarinta Cafimaadka JSL ugu jirto kahortaga cudurka CORONAVIRUS iyadoo sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo xanuunkan ay tahay wacyigalin Bulshada iyo ku dhaqanka siyaasada kahortaga iyo xakamaynta xanuunada faafa oo xiligan Wasaaradda H. Caafimaadka JSL ay Bulshada ku wacyigalinayso qodabada hoos ku qoran:

  1. Si joogto ah ugu faraxalo biyo iyo saabuun.
  2. Hadaad qof salaamayso waxa haboon inaad iska dayso salaanta gacan qaadka ah, raac Sunnaha Nabiga (NNKH)- “Assalaamu Calaykum”.
  3. Marka aad Qufacayso ama Hindhisayso kudabool Afka iyo Sanka Masar ama Softi ama Cududa adigoo xusulkaaga laabaya.
  4. Haddaad yeelato xumad iyo Qufac, ha tegin goobaha dadku ku badan yahay sida sariibadda, dugsiyada iwm. Si degdeg ahna u tag xarunta Caafimaadee kuugu dhow.
  5. Si aad ah U Kari/Bislee noocyada hilibka, kalluunka, digaaga iyo beedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here