Covid-19 oo si weyn ugu faafayo Gobolada Soomaalida ku badan tahay ee Mareykanka

Coronavirus

Xaalada Mareykanka ee cudurka Covid 19 ayaa sii xumaanaya, islamarkaasna abuurtay tuhun kala dhexgala madaxda dowlada dhexe, tan gobollada iyo dowladaha hoose.

Xaalada guud ee la dagaalanka Covid 19 waxba iskama badelin, halka saameyntiisu ay noqotey mid faraha ka siibaxayso, walwalka shacabkuna uu sii kordhaayo.

831 ruux ayaa shaley u geeriyoodey cudurkan, halka tirada dhimashada guud ee Maraykanka uu sii cagacagaynayo 4,085.

Deegaanada ay Soomaalidu ku badan tahay waxaa ka soo kordhey tirooyin horleh.

Gobolka Minnesota waxaa laga helay 629 qof, dhimashada waa 12

Gobolka Ohio 2210, dhimashada waa 55

Gobolka Washington dadka laga helay waxay gaarayaan 5482 waxana u geeriyootay 232 ruux.

Dhanka dhaqaalaha, suuqyada ganacsiga ee Mareykanka ayaa dhurbaaxo weyn kala kulmey cudurkan. dhaqaaloyahanada ayaa odorosaya in aysan soo kabashada qasaaraha suuqyada ganacsiga ee ka dhashey Covid 19 aan mardhow laga kaban doonin,

Tusaale ahaan Suuqa Down Jones ayaa wajahay dhaqdhaqaaqiisi ugu hooseeyey ee abid uu la kulmi rubuca ugu horeeyo ee sanadka oo hada soo xirmey.

Madaxda dowladaha hoose iyo gobollada oo dhaliilayo habdhaqanka dowlada dhexe ayaa sii kordhaya. Haweenayda gudoomiyaha ka ah Chicago ee gobolka Illinois oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn Mareykanka, ayaa tiri, “waxaan shaki ka qabaa kaydka dowlada dhexe ee agabka ay ugu talagashey masiibooyinka”.

Lori Lightfoot oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri, “majiro maamul wax ka dalbadey dowlada dhexe oo jawaab waafi ah ka helay”.

Dhanka kale, gudoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo oo kol hore go’aansadey in ay iyagu qabtaan waxyaabo badan oo dowlada dhexe laga rabey, ka dib markii ay ka waayeen heerkii ay ka rabeen, ayaa hab dhaqanka madaxweyne Donald Trump ku sheegay mid aan kii Mareykanka ahayn.

Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka ee Mareykanka ayaa dadweynaha la wadaagaya, in qasaaraha nafeed ee kadhalanayo Covid 19 uu aad u badnaan doono, ka hor inta aan la xakameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here