Covid-organic: Reer Galbeedka way iskala weyn yihiin daawo-dhireedka Afrika

covid organic

Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa jawaab adag siiyay dadka eedeynaya dawo-dhireedkiisa aan la ansixin ee uu sheegay in coronavirus ay u fiican tahay.

Dawadan oo qaar ka mid ah madaxda Afrika ay dalbadeen ma ahan weli mid la ansixiyay.

Isbuucii la soo dhaafay, Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in dadka ay isticmaalaan dawo-dhireedkaas.

Afrika waxay xaq u leedahay in ay dawo hesho taas oo si sax ah loo tijaabiyay xitaa haddii ay tahay daw-dhaqameed, ayey tiri hay’adda.

Midowga Afrika (AU) ayaa sidoo kale codsatay in la tuso xogta caafimaad ee “badqabka iyo wax ku oolnimada” dawadan.

Si kastaba, dawadan loo garanayo Covid-Organics, waxaa loo diray dhowr dal oo Afrika ah. Nigeria waa dalkii ugu dambeeyay ee qaatay.

Madaxweynaha dalkaas Madagascar oo la hadlay warbaahinta France 24, Mr Rajoelina wuxuu sheegay in dhalleeceynta dawadan ay muujineyso “isla wayninka reer galbeedka ee ku wajahan daawada Afrika”.

“Haddii Madagascar aysan ahaan lahayn dalka helay daawada, oo uu soo saari lahaa dal reer Galbeed ah, shakigan miyey muujin lahaayeen? Uma maleynayo,” ayuu yiri.

Balse, weli ma jirto xog dib u eegis ah oo si hordhac ah loogu sameeyay daawadaas lagu magacaabay Covid-organic.

Waxaa daawada lagu tijaabiyay illaa 20 qof muddo isbuucyo gudahood ah, sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah kaaliyeyaasha madaxweynaha.

Kullan ay yeesheen illaa 70 khubaro ku taqasusay dawo-dhaqameedka Afrika, waxay isku raaceen in tijaabo lagu sameeyo dawa kasta, sida ay barteeda twitter-ka gelisay xarunta WHO u qaabilsan Afrika.

Khubarada qaar waxay ka digayaan in cabitaankan uu sababo in dadka qaar ay u maleeyaan in ay ka badbaadeen fayraska ayna isu soo bandhigaan.

Si kastaba, guddiga Nigeria u qaabilsan la tacaalidda coronavirus waxay sheegeen in madaxweyne maxamadu Buhari uu fasaxay isticmaalka dawo-dhireedka Covid-Organics.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here