Cudurka corona oo saameeyay dhaqaalaha Shiinaha

2019 nCoV

Cabsida laga qabo xanuunka corona ayaa saameyn ba’an ku yeeshay dhaqaalaha dalka Shiinaha oo mudooyinkii dambe soo kobcayay.

Saamiga Shiinaha ee suuqyada caalamka ayaa hoos u dhacay, xilli ay dib u furmayaan suuqyada wadankaas, kadib dabaaldegga sanadka cusub ee Shiinaha.

Suuqa saamiyada ee Shanghai Composite index ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac dhan 9 boqolkiiba, halka qiima badeecadaha Shiinaha ee loo iibgeeyo dalalka dibaddana uu hoos u dhacay, maadaama ay yaraaedeen badeecadadaha Shiinuhu uu soo saaro ee loo dhoofiyo dibadda.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa dad badan oo joojiyay safaradii ay ku tagi jireen dalkaas, maadaama uu ka dilaacay cudurka corona.

Walaaca ku yimid dhaqaalaha dalka Shiinaha ayaa yimid xilli sidoo kale dowladda dalkaas ay sheegtay in lacag dhan 22 bilyan oo doolar ay gelineyso dhaqaalaha wadankaas, si uu kabasho u sameeyo.

Bangiga dhexe ee Dowladda Shiinaha ayaa sheegay in tallaabadaas ay xaqiijin doonta in bangiyada ay helaan lacago ay ku shaqeeyaan.

Guud ahaan, bangiga dhexe ee Shiinaha ayaa lacag dhan 1.2 tiriliyan oo lacagta Shiinaha geli doonaa hannaanka maaliyadda ee dalkaas maanta oo isniin ah.

Qeyb badan oo kamid ah dhaqaalahaas ayaa ah mid horay loo sii qorsheeyay, waxaana lacagta lagu kabayo bangiyada ay noqoneysaa tii ugu badneyd ee maalin qura la geliyo.

Mas’uuliyiinta bangiga dhexe waxaa kale oo ay sheegeen in lacago badan oo caddaan ah toddobaadkan la heli doono, taas oo yareyn doonta culeyska dhaqaale ee uu Shiinaha wajahayo.

Suuqyada caalamka ayaa la daalaa dhacaya saameynta ka dhalatay caabuqa corona. Hay’adda maareysa dhaqaalaha wadanka Shiinaha ayaa sii saadaalisay saameynta xanuunka corona uu ku yeelan doonaa dhaqaalahooda.

Corona Virus oo saameeyay dhaqaalaha Shiinaha
Corona Virus oo saameeyay dhaqaalaha Shiinaha

Haseyeeshee dowladda dalkaas waxaa kale oo ay sheegtay in saameynta ay noqon doonto mid muddo kooban ah.

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa sanadkii lasoo dhaafay sameeyay kobac dhaqaale oo dhan 6.1, kobacaas oo ah kii ugu yaraa muddo 30 sano.

Hoos u dhaca dhaqaale ee Shiinaha ayaa qeyb kamid ah loo aaneynayaa dagaalka ganacsi ee kala dhaxeeya Mareykanka.

Mareykanka ayaa canshuur dheeraad ah kusoo rogay badeecadaha Shiinaha ee loo iibgeeyo Mareykanka, inkastoo labada dhinac ay bil kahor ku heshiiyeen in la yareeyo xiisadda ganacsi ee labada dal.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa uu ladaalaa dhacayaa xakameynta cudurka corona, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay 17 kun oo kiis, halka 361 qofna ay u dhinteen.

Khubarada dhaqaalaha waxay sheegeen in cudurkan uu waxyeelo intan ka badan uu u geysan karo dhaqaalaha Shiinaha hadii aanay dowladda wax ka qabanin.

Shirkado badan oo ay kamid yihiin Foxconn, Toyota, Starbucks, McDonald’s iyo Volkswagen ayaa xiray xafiisyadii ay ku lahaayeen Shiinaha, halka qaar kalena ay la baxeen shaqaalahoodi.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here