Culimada Al-Shabaab oo C/raxmaan C/shakuur ku xukumay inuu Gaalnimo ku dhacay

cabdisalaan

Warbaahinta Al-Shabaab Al-Andalus ayaa barnaamij gaar ah ka diyaarisay hadal dhowaan ka soo yeeray C/raxmaan C/shakuur Warsame oo uu ka jeediyay Xaflad ka dhacday dalka Jarmalka.

Barnaamijkan oo lagu wareystay Qaar ka mid ah Culimada taageersan Al-Shabaab ayay si cad u sheegeen in C/raxmana C/shakuur ku beeniyay xadiis ka sugnaaday Nabi Muxamed (NNKH), waxaana ay ku xukmiyeen inuu ku dhacay Gaalnimo.

Culimada ka hadlay barnaamijkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh C/waaxid Isaaq Muudey iyo Sheekh Jaamac Cabdisalaan oo labadaba sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu ku jees jeesayo Diinta iyo Axaadiista.

“Arrimo waa weyn oo khatar ah ayuu ninkaan ku dhacay, gaalnimo waa ku jiraa, axaadiis dhowr ah ayuu beeniyay, sida soo socotana aayaad ayuu beeninayaa, axaadiista Nabi Muxamed NNKH ka sugnaaday ayuu ka dhigay wax rag jeebka kala soo baxay”ayuu yiri Sheekh Jaamac Cabdisalaan.

Waxaa uu soo jeediyay in C/raxmaan C/shakuur laga bedelo magaca oo loo bixiyo Cabdi-Kaffuur Cabdi Diinaar, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa waxay sii xoojineysaa dooda culimada ka keeneen hadalka ka soo yeeray C/raxmaan C/shakuur, inkastoo uu shalay caddeeyay in aanu beenin ama inkirin xadiis, hadana qaar ka mid ah Culimada ayaa ka dalbanaya inuu ka towbad keeno hadalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here