Culimada magaalada Laas-caanood oo shalay ku baaqay in gurmad loo fidiyo Baladweyne

0
lasanod

Culimada magaalada Laascaanood ayaa ku dhawaaqay gurmad aan kala hadlahayn iyagoo inta badan qudbadii Jimcaha lagu soo qaatay dhibaatada ka taagan gobolka Hiiraan. Culimada ayaa salaada jimcaha ka dib bilaabay in ay ururiyaan dhaqaale loogu deeqayo dadka dhibaatadu ka soo gaadhey daadadka baahsan ee dadka gobolka Hiiraan aafeeyey.

“Illaahay  ayaa miisaama makhluuqa waxaa uu siinayo hadii in yar kororodh yimaado aafo ayaa imaanaysa, hadii maanta reer Hiiraan ay haysato maalinba qolo ayay haysanaysaa, Soomaaliduna gurmadka iyo naxariista caan ayay ku  tahay” sidaana waxaa yidhi Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa bulshada salaadii Jimcaha kula wadaagey masjidka Cali Bare. Waxaa la sameeyey sanaaduuq dhaqaalaha lagu ururiyo si ay cid waliba uga qayb qaadato gurmadka. 

Sidoo  kale magaalooyin badan oo ay Buuhoodle ka mid tahay ayaa iyana laga wadaa gurmadka loo fidinayo dadka aafada fatahaada Illaahay ku keenay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here