Culimada Soomaalida: In Nabiga sharaftiisa wax laga sheego waa duullaan lagu soo qaaday diinta Islaamka

macron emmanuel

Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn caro uga muujiyay hadalka madaxweyana Faransiiska, Emmanuel Macron, kaddib dhacdadii lagu dilay macalinkii u dhashay dalkaas oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH.

Ha’yadda culimada Soomaaliya oo kulan ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceyn u jeedisay madaxweynaha Faransiiska.

“Culimada soomaaliyeed iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta diinta Islaamka iyo danaha Muslimiinta, waxay dhaleecenayaan hadalka iyo mowqifka madaxweynaha Faransiiska,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha ha’yadda culimada Soomaaliya oo akhrinayay bayaanka ka soo baxay shirka.

Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Abuukar (Soomow) oo ka mid ah Culimada Soomaaliya ayaa dhankiisa BBC Somali u sheegay in Macron “uu dhaawac u geystay diinta Islaamka isla markaana dagaalka toos ah ku qaadayo Muslimiinta”.

“Wuxuu go’aansaday in dagaal toos ah ku qaado diinta Islaamka iyo dadkeeda, Nebiga N.N.K.H.H in sharaftiisa wax laga sheego waa duullaan cad oo lagu qaaday diinta Islaamka, waa duullaan lagu qaaday dhammaan Islaamka”.

Sheekh Soomow ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka qaar ka mid ah dalalka Carabta ay ka soo saareen arrintan. “Dalalka diiday waxyaabaha uu soo saaro Faransiiska waan u hambalyeyneynaa.”

Arrintaas waxay ka dhalatay hadalladiisii dhowaan ee lagu tilmaamay kuwo sii huriyay xasaraddii ka dhalatay sawir-gacmeedka “lagu aflagaadeeyay” Nabi Maxamed NNKH.

Sawirkaas waxaa dhowaan daabacay wargeyska Charlie Hebdo oo markale ku soo celiyay. Madaxweynaha Faransiiska ayaa yiri: “Weligeen kama tageyno in aan sawirno iyo inaan wax ka matalno xitaa haddii dadka qaar ay dib u gurtaan”.

Macron wuxuu hadalkaa jeediyay xilligii aaska loo sameynayay macallimkii la bireeyay ka dib markii ardeydiisa uu tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed N.N.K.H. Samuel Patty waxaa lagu gowracay wado ka tirsan caasimadda Faransiiska ee Paris.

Macron hadalkii uu jeediyay 21-kii bishan October, wuxuu ka careysiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo shacabka dalal ka mid ah dunida Islaamka.

Sheekh Soomow wuxuu yiri: “Dhammaan umadda soomaaliyeed iyo madaxda qaranka waxaan ugu baaqeynaa oo waajibkoodu koobaad uu yahay ilaalinta diinta, waana in arrintaas ay aad uga dhiidhiyaan oo ay xiriirka u jaraan Faransiiska.”

Faransiiska wuxuu u muuqdaa in uu ka warhayo cadhada iyo xanaaqa bulshada dalalka Islaamka ee ka dhanka ah madaxweyne Macron.

Dowladda Faransiiska ayaa dalalka ka cadhooday arrintaas ugu baaqay in ay “joojiyaan” diidmada ka dhanka ah alaabta uu soo saaro dalkaas iyo dibadbaxyada.

Faransiiska ayaa sheegay in arrintaas ay sameynayaan “dad tiro yar oo xagjiriin ah”. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa lagu sheegay in “baaqa go’doominta Faransiiska uu yahay mid aan macquul ahayn, iyo in si degdeg ah loo joojiyo in ay waajib tahay”.

Balse Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “dacaayadaha cunsurinimada iyo Islaam naceybka ah ay adeegsadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka, si ay u xoojiyaan danahooda siyaasadeed.”

“Khaladaadka ay galayaan cunsuriyiinta reer galbeedka ayaa hadda noqday dacaayad olole siyaasadeed ah. Macron waxyaabaha hadda ugu waaweyn ee u kalifay difaaca taasaa waxaa ka mid ah in Islaamka ceydiisa lagu galo olole siyaasadeed, wax shaqeyn karana ma ahan,” ayuu yiri.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sidoo kale sheegay inay raacsan yihiin dalalka qaadacay badeecadaha uu soo saaro Faransiiska, sidaas darteed ay bogaadinayaan go’aannada ka soo baxay qaar ka mid ah madaxda islaamka.

“Waxaan u hambalyeyneynaa dadka soo jeediyay in la qaadaco badeecadaha uu soo saaro Faransiiska, waa in dersigaas la diraa oo la xanuujiyaa. Haddii aan nahay culimada soomaaliyeed, waxaan bogaadineynaa mowqifka madaxweyne Erdogan uu ka qaatay arrintani”.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu dhankiisa u muuqdaa in uu iska dhega tirayo arrintaas, wuxuuna bartiisa Twitter-ka ku qoray farriin Afka Carabi ah oo uu ku yiri: “Ma jiro wax dib inoo celin kara, weligeed. Waxaan nahay dad xor ah, leh sinnaan, kuna wada nool si walaaltinimo ah. Taariikhdeena waa mid ka hortagga dhammaan noocyada dulmiga iyo dulqaad la’aanta. Waana sii wadeynaa taa”.

“Waan xushmeyneynaa dhammaan aragtiyada kala duwan si nabad loo helo. Ma aqbaleyno hadallada naceybka ah, waana difaaceynaa doodaha qiimaha leh. Waan sii wadeynaa arrintaa. Weligeen waxaan u taagnaaneynaa difaaca sharafta aadanaha iyo qiyamka caalamiga ah,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu in muddo ah qeyb ka ahaa dhowr arrimood oo sababay khilaaf iyo muran adag.

Waxaa ka mid ah istiraatiijiyaddiisa cusub ee ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay “go’doominta Islaamka” oo ah mid lagu raadinayo sameynta “hannaan kale oo dhinac socda” oo diidan xeerarka hannaanka jamhuuriyadda iyo habka madaxbannaanida ee bulshada.

Dadka qaar waxay Macron ku eedeynayaan in uu sababay, uu na kiciyay khilaaf. Waxaa arrimahaa ka cadhooday hay’ado Islaami ah, gaar ahaan markii uu ku dhawaaqay istiraatiijiyaddiisa cusub, taas oo ahayd in “Islaamka uu hadda wajahayo khalalaase daafaha caalamka ka jira”.

Sidoo kale dhankooda, taageerayaasha Macron waxay ku difaacayaan in madaxweynaha uusan weerarin Islaamka, balse in qorshihiisa cusub uu ka hortagayo xagjiriinta, uusanna bartilmaameedsaneyn Muslimiinta ama Islaamka.

Waxay sheegayaan in uu bartilmaameedsanayo Muslimiinta aaminsan “fikradaha fog iyo aragtiyada adag”, ee doonaya in ay sameystaan hannaan kale oo ka hor imaanaya qiyamka bulshada iyo xeerarka Jamhuuriyadda Faransiiska”.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ahaa culimadii ka qeybgashay kulanka culimada ay ku qabteen magaalada Muqdisho wuxuu yiri: “Madaxda Faransiiska arrin aad u xun ayaa ku soo fushay oo aad u foolxun taas oo laga yaabo in wakhtiyada aanan la maqal, waxay taasi caddeyneysaa in arrintii ay soo celcel jireen reer galbeedka ee xoriyatul qowlka iyo tan diinta”.

Hadalkan kasoo baxay culimada soomaaliyeed ayaa ku soo begmayaa xilli dunida Islaamka ay ka imaaneyso dhalleeceyn loo jeedinayo madaxweynaha Faransiiska, halka qaar ka mid ah waddamada Islaamka ay ku dhawaaqeen in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa dilka macallinka, oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris, ku tilmaamay weerar argagixiso isla markaana sheegay in loo dilay sababo la xiriira xoriyatul qowlka.

Madaxweyne Macron oo booqday goobta, wuxuu macallimiinta u ballan qaaday in naftooda la difaaci doono.

Dhanka kale Macron ayaa midnimo ku baaqay, waxa uuna sheegay in marnaba aysan argagixisada ka guleysanayn oo aysan kala qoqobi karin dadka faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here