Cumar Filish, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Waare oo ku sii jeeda Dhuusamareeb

Waare Cumar Finish iyo Laftagareen

Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa goor dhow ka amba-baxaya magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo lagu kasloon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiintan oo qeyb ka ah shirka Dhuusamareeb 3 ay ka sii hormarayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed  (Farmaajo).

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Waare ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayo wasiiro ka tirsan labadaasi maamul, halka uu Duqa Muqdisho ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan oo saacadaha soo socda ka tegaya Muqdisho ayaa waxa ay raacayaan diyaarad gaar ah oo loo qorsheeyey inay qaado mas’uuliyiinta diyaarinta madaxtooyada u qaabilsan in ay ka sii horumaraan Madaxweynaha marka uu safrayo.

Shirka Dhuusamareeb oo la filayey inuu maanta furmo ayaa dib u dhacay sababo farsamo darteed, balse Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inuu bilaabmi doono, marka ay soo wada-xaadiraan wufuuda ka qeyb-galeysa shirkaasi oo ah mid xasaasi ah oo diirada lagu saarayo doorashada 2020 ilaa 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here