Cumar Filish: “Ma oyneyno ee waan aarsaneynaa”

cumar filish2

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo maanta boqolaal dadweyne ah kula hadlayey xarunta tababarka genaraal Kaahiye ama Iskuul Buluusiya oo lagu qabtay banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab, gaar ahaan weerarkii Ex-control ayaa sheegay in aysan ka hari doonin dadkii fuliyey qaraxaasi xooganaa.

Cumar Filish ayaa tilmaamay in maanta aysan ilmeyn doonin, balse ay aarsan doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Kama hari doonno kuwa ubadkeenna iyo ciidamadeenna sidaas u galay, waanna ka hadlay oo waxaan iri ‘ma ilmeyneyno, ma oyeeyno ee waan aarsaneynaa,” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in maanta la joogo waqtigii lala dagaali lahaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana meel qura looga soo wada jeesan lahaa, si looga hortago weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ay inta badan ka fuliso gudaha dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan, sidii looga adkaan lahaa kooxdaasi.

“Waa maalintii aan far mid ah ku tilmaami lahayn cadowgeenna. Waxa la baabi’inayo waa umadda cududdeeda, dhaqaalaheeda, aqoonyahannadeeda iyo dhalinyaradeeda. Kuwa sidaas ka shaqeynaya waa inaan u midowno”.  ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cumar Filish.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed in aysan bixin lacagaha ay weydiisato kooxda Al-Shabaab, isagoo ku booriyey inay ka dhaga adeegaan amarkeeda, si aan dhaqaalahaasi loogu baabi’in u badkooda.

“Dadka wax bartay iyo dadka hantida leh, waxaan rabaa inaan u sheego, kan wax bartay inuu dadka u sheego cadowgiisu inuu yahay Al-Shabaab, oo uusan ka baqin. Dadka hantida heystana handadaadda lacagaha baadda ah looga qaado waa inay iska diidaan, waayo ubadkooda ayaa lagu baabi’inayaa. Waxa aad ogtahay in haddii maanta lagaa qaado barrina ubadkaaga lagu baabi’inayo inaad bixiso soo doqonimo ma aha?”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here