Cumar Filish oo ka hadlay dibad-baxa ay mucaaradku Muqdisho ka dhigayaan

cumar filish2

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay banaanbaxa maalinka Sabtida ah ee soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo mucaaradku uu soo abaabulayo.

Duqa Muqdisho oo wareysi siiyey VOA ayaa wax laga weydiiyey sida maamulka gobolka Banaadir uu isku mar u marti geli karo banaanbax dowladda looga soo hor jeedo iyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Waxuu sheegay inay awoodaan inay isku mar maareeyaan banaanbaxa iyo shirka uu iclamiyey madaxweyne Farmaajo

Cumar Filish ayaa sheegay in rabitaankooda uusan ku imaan banaanbaxaas, balse ay ku qasban yihiin inay sugaan ammaanka, si dhib la’aan ay ugu soo dhamaato howshu.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaan mucaaradka kala hadleynay arrinta banaanbaxa, laakiin way ku adkeysteen, anagu waxaan u sheegnay in banaanbax nabadeed aanaa diidaneyn, balse amiga iyo caafimaadka ay caqabado ka jiraan,” ayuu yiri Cumar Filish.

Waxa uu sheegay in wadaxaajood dheer kadib ay isla qaateen iyaga iyo musharaxiinta, in rabitaankooda loo fuliyo, iyadoo taxadar laga muujinaayo dhinacyada amiga iyo caafimaadka.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay uga qeyb qaadanayaan banaanbax dowladda looga soo hor jeedo, waxa uu sheegayin banaanbaxu uu yahay rabitaanka mucaaradka, balse iyaga ay mas’uuliyadi ka saaran tahay ammaanka.

Mar wax laga weydiiyey sida ay ku suurta geleyso in magaalada lagu wada qabto banaanbaxa mucaaradka iyo shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo ee dowlad goboleedyada, ayuu sheegay in waxba aysan iska quseyn oo la isku reed wadi karo.

“Sida ugu fudud oo dhibaatadu ku yaraa karto iyagana rabitaankooda uu ugu fuli karo ayaan u maareyn doonaa howshaas, mida kale madaxweynuhu waa marti qaaday dowlad goboleedyada oo waa imaanayaan, wax is khuseeyana maaha, sidii caadiga aheydna waa shir dad lambar kooban ah ay isku arkayaan, wax kastana si taxadar leh ayey ku dhici doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cumar Filish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here