Cumar Filish oo shaaciyey inay MUQDISHO ka diiwaan-geliyeen 500 oo meydad ah

cumar filish2

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay khudbad ka jeedinayey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus ee ka dilaacay Soomaaliya.

Cumar Filish ayaa sheegay in tan 19-kii bishii la soo dhaafay ee April ay baaritaano ku sameynayeen dadka dhinta ee la geeyo Qabuuraha ku yaalla caasimada.

Duqa Muqdisho ayaa shaaciyey in illaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen meydadka ku dhowaad 500 oo qof, kuwaas oo ku geeriyooday gobolkaan Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aamin-san yihiin inay dadkaasi badi u dhinteen cudurka halista badan ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Tiraddii ugu badneyd ee ay diiwaan-geliyeen hal maalin ayuu ku sheegay 43 ruux , halka tiradii ugu yareydna uu ku sheegay guddoomiyuhu 22 qof.

Guddoomiye Filish ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyina caafimaadka, si loo xakameeyo fidista Covid-19.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu shaaciyey in qof kasta xilligan dhinta ay dowladda federaalka u aqoonsan tahay inuu dilay cudurka faafa ee Coronavirus, kaas weli ku sii fidiya wadamo badan oo ku yaalla caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here