Cusbitaal Casriya oo laga furay Degmada Dacarta

dacarta

Musaabida xadhig ka jarida cisbitaalka deegaanka degmada Dacarta oo ka dhacday hoolka shirarka ee magaalada dacarta ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenada wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka, xildhibaano, saladiin, qaar ka mid ah ururada bulshada degmada dacarta, aqoonyahanka, dhalinyarta, qurbe joogta deegaanka iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn gudoomiyaha degmada dacarta axmed xuseen fure iyo ku xigeenkiisa ismaaciil aw muuse oo musaabida kusoo dhaweeyay dadweynihii kasoo qayb galay munaasibada isla markaa furay xaflada ayaa ka warbixiyay degmada iyo waxyaabaha u qabsoomay waxaanay hoosta ka xariiqeen baahiyaha ay degmadu ilaa hada qorshaynayso in wax lagala qabto.

Dhakhtar axmed daahir xaddi iyo dhakhtar rooda daahir cumar oo ka hawl gala cisbitaalka ayaa ka warbixiyay maraaxilka dhismaha cisbitaalka degmadu uu soo maray, iyadoo qurbe joogta deegaanka uga mahad celiyay gacanta ay ka gaysteen hir galinta dhismaha cisbitaalka, xukuumadana ka codsaday inay dhamaystirto waxyaabaha ka dhiman cisbitaalka.

Ismacil aw muuse nuur iyo ismaaciil cabdillaahi dhamac oo ku hadlayay afka qurbe joogta deegaanka ayaa faahfaahin ka bixiyay doorka qurbe joogtu ay ka qaataan horumarinta degmada.

Xildhibaan maxamuud jaamac warfaa oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada JSL, gudoomiyaha ururka talosame axmedyasin xaaji cabdilaahi abusite, Suldaan axmed-dahir muuse cilmi, iyo chief caaqil maxd aw cismaan oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in bulshada deegaanku ay boqolkii 70 wax qabsadeen isla markaana xukuumada jamhuuriyadda somaliland usoo jeediyay in doorkeeda ka qaadato si degmadu u gaadho meelaha ay hiigsanayso.

Badhasaabka gobolka maroodi jeex jaamac xaaji axmed cabdi ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta degmada horumarka ay ka wadaan degmada dacarta isla markaana wuxuu dhagax dhigay rugtii ciidanka booliska ee degmada.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada md. Axmed xasan ciroole ayaa bulshawaynta deegaanka ugu baaqay inay caruurtooda kula dedaalaan waxbarasha isla markaana sheegay in xukuumada ahaan wax ka qaban doonaan waxbarasha deegaanka.

Gabogebadii wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka md. Liibaan maxd yuusuf oo xadhiga ka jaray dhismaha cisbitaalka isla markaana soo kor meeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka ayaa faahfaahiyay siyaasada horumarinta caafimaadka xukuumada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here