D Soomaaliya oo shaaca ka qaaday qorshe lagu ballaarinayo Garoonka Muqdisho

garoonka muqdisho adan cade2

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaada inay waddo qorshe lagu ballaarinayo Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in bishan gudaheed uu billaabanayo qorshe lagu balaarinayo garoonka Aadan Cadde.

“Nabadda oo sii kororta, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd, runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto, laakiin  waxaa jira heshiis aan la galnay shirkadda garoonka maamusha, taaso oo balaarin doonto garoonka.” Ayuu yiri wasiir Oomaar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maadaama dhul ku filan oo banaan oo garoonka lagu ballaariyo uusan jirin oo uu badda ku teedsan yahay, inay dhanka badda u ballaarin doonaan garoonka qayb ahaan.

“Dhulka aan heysano iyo qeyb ka mid ah dhanka badda la duugo oo carro lagu shubo ayaan ballaarinta u adeegsan doonnaa, balse mustaqbalka runtii garoonka wuu yaraanayaa, waxaana loo baahan doonaa in la dhiso garoon kan ka casrisan kana baalaran Insha Allah” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Horey waxaa u jiray qorshe ay isku raaceen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, oo xukuumadda ay garoonka cusub uga dhisey dhanka waqooyiga Muqdisho ee xadka gobolka Shabeellaha Dhexe, balse illaa iyo hadda lama shaacin halka uu ku dambeeyey qorshahaas.

Wasiirka Oomaar ayaa bishii October sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub, islamarkaana qorshaha dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaan inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here