Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii London iyo sababta ay u fulisay

police uk london

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhimashada lahaa ee uu Jimcihii magaalada London ka fuliyey nin ku hubeysnaa mindi, kaasi oo booliiska ay dileen.

Daacish ayaa mas’uuliyadda weerarkan ku sheegatay wakaaladdeeda wararka ee Amaq News.

“Qofka fuliyey weerarkii London…waxa uu ahaa dagaal yahan ka tirsan kooxda Daacish, wuxuuna u fuliyey isaga oo uga jawaabaya shacabka ay dalalka xulufada ah beegsanayaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda, oo dalalka isbahaysiga ula jeeda kuwa weerarada duqeymaha la beegsada dagaalyahanada kooxdan ee dalalka Iraq iyo Syria.

Booliska Britain ayaa sabtidii sheegay in weli “aysan jirin wax caddeymo ah” oo soo jeedinaya in cid aan ka ahayn ninka weerarka fuliyey ee la dilay ay ku lug lahayd, inkasta oo baaritaanka uu weli socdo.

Booliska ayaa rumeysan in weerarka uu fuliyey 28 jir lagu magacaabo Usman Khan, kaasi oo toogasho ay ku dileen booliska. Ninkan ayaa horey waxaa loogu xiray “dambiyo” argagixisanimo.

Khan oo xirnaa jaakad qaraxda oo been abuur ah ayaa mindida la dhacay dad marayey Buundada London, waxaana uu dilay laba qof, ayada oo saddex kale ay dhaawacmeen, ka hor inta aysan booliska isaga toogan.

Khan ayaa waxaa sanaddii 2012 lagu xukumay sideed sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi inuu ku lug lahaa shirqool lagu qarxin lahaa Suuq Is-waydaarsiga Samiiyada ee London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here