Daawo Baarlamaanka Soomaaliya oo meel adag iska taagay diyaaradii ku soo xadgudubtay hawada Somalia

xildhibaan daahir amiin jeesow

Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa uu uga  hadlay safarkii ay Magalada Kismaayo u tageen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad aan sharci aheyn ay ka degtay Magalada Kismaayo, isla markaana halkaas geysay wafdi ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanka oo Wariyeyaasha Muqdisho kula hadlaayay ayaa waxaa uu intaasi kudaray hadalkiisa in diyaaradaas ay aheyd mid Qatar gelin kartay amniga dalka, isla markaana aysan ka warheyn Maamulka hawada Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya kulamadii markii ay furmaan ayuu sheegay inay dacwada diyaaradaas iyo dalka laga lahaa geyn doonaan, waxaana dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay jawaab baarlamaanka ka siiso Diyaaradaas.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Amiin Jeesow ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo, iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya, isla markaana khatar gelisay dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland lagu haayo dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ay badbaadin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here